Maamulka Alshabab ee gobolka Galgaduud oo ku amrey odeyaasha iney keenan dhalinyaro ka mid noqota Alshabab

0
46

alshababMaamulka  al-Shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ku amartay odayaasha ku dhaqan qeybo ka mid ah gobolkaas inay keenaan dhallinyaro u dagaallanta maleeshiyada.

Al-Shabaab waxay ku amartay odayaasha ku dhaqan deegaannada Jacar, Bargan, Caga-cadde iyo Garab la’ inay ka qeyb-qaataan dagaallada ay kooxdu kula jirto ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka, isla markaana ay beelahooda ka soo ururiyaan 200 oo nin oo lagu biiriyo maleeshiyadeeda.

Waxay kaloo dalbatay in deegaan kasta uu keeno 200 oo kiish oo digir ah oo lagu quudiyo xubnaha cusub ee ka mid noqonaya maleeshiyadeeda.

Wararku waxay sheegayaan in odayaasha deegaanka Gal-hareeri la siiyay saddex maalmood si ay u keenaan 300 oo nin iyo digirtii ay raggaas cuni lahaayeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee alshabab ayaan weli ka quursan dagaalka ey kula jirdo dowlada federaalka maadaama ay hada k jirto ciidan arurrsi hor leh taasoo micnaheedu yahay in dhibta ka taagan dalka somaliya weli xal buuxa loo heyn.

Daafeet.Com