Wiilasha kubbadda kolayga Soomaaliya oo ka adkaaday kuwa Kenya

0
89

Xulka wiilasha kubbadda Kolayga Soomaaliya oo ka qaybgalaya isreeb-reebka koobka qaramada Afrika ee ayaa galabta ka badiyay xulka Kenya.
Isreeb-reebkan oo ka socda dalka Tanzania ayay Soomaaliya oo ku jirta qaybta B waxay 81-78 dhibicood kaga adkaatay Kenya, waxa ayna kulanka labaad berri la cayaari doonaan xulka Burundi.
Toddobo dal oo ka socota dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa isreeb-reebka ka qaybgalaysa waxaana laysku yiraahdaa Zone 5. Dalka ku guulaysta tartanka ayaa ka qaybgali doona Koobka Qaramada Afrika ee Kubbadda Kolayga oo bisha August ee sanadkan ka furmaya dalka Ivory Coast.
Qaybta A ee isreeb-reebka waxaa ku jira dalalka Tanzania, Uganda, Egypt iyo Rwanda.
Qayb kasta waxaa kasoo bixi doonta labada xul ee ugu dhibcaha badan oo Semi Final cayaari doona, iyadoo ugu dambeyn hal xul laga rabo in uu ka soo baxo Zone 5.
Soomaaliya ayaa isreeb-reebka cayaareysa markii ugu horreysay 22 sano.
Macallinka Xulka Qaranka kubbadda Kolayga Cumar Cabdulqaadir Baarajab ayaa sheegay guushii galabta kaddib inuu rajeynayo in sanadkan ay isreeb-reebka kasoo gudbaan, isagoo xusay in guushii maanta ay muhiim u aheyd xulka Soomaaliya.