Hogaamiyaha Jabhad beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo maanta wax lagu sheegay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaayo

0
46

madooberHogaamiyaha Jabhad beeleedka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo maanta wax lagu sheegay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka sheegay inuu soo gabagaboobay shirar wada tashi ahaa oo ku saabsanaa maamul ay beeshiisu u samayso beelaha dega gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo.
Axmed Madoobe oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in kulan ay ka qayb gali doonaan Ergooyin gaaraya 500 xubnood oo metelaya beelaha goboladaas ku dhaqan halkaasina uu kasoo bixi doono maamul goboleed Riyo maalmeed ku dhisan ee Axmed Madoobe iyo beeshiisa ay ku riyoonayaan inay ka dhistaan gobolada sedexda ah ee Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo.
“Howlihii iyo qabanqaabadii shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka heer gebogebo ah ayey marayaan, ergooyinkana waxay dhowaan bilaabayaan iney soo gaaraan Kismaayo si ay shirweynahaas uga qeyb galaan si ay u doortaan madaxdii hogaamin laheyd maamulka Jubba-land ee gobolada jubooyinka iyo Gedo” ayuu si halhaleel ah u yiri Axmed Madoobe.
Si kastoo loo dhigaba hadalkan kasoo yeeray hogaamiye beeleedka beesha Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili beesha Caalamka, Dowlada JF ee Soomaaliya iyo guud ahaan beelaha dega gobolada Lixda ah ee KoonfurGalbeed Soomaaliya oo kala ah (Shabeelaha hoose,Jubada dhexe,Jubada hoose,Gedo,Bakool iyo Baydhabo) ay Baydhabo ku diyaarinayaan maamul ay u dhanyihiin Ummadda degta lixdan gobol.

Halkan ka dhegayso Codka Axmed Madoobe