Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom oo la wareegey gacan ku heynta Degmada Jowhar

0
35

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe; kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dhinaca Koonfureed ka galeen degmada, inkastoo ciidamada isbahaysanaya ay la wareegeen degmada Mahadaay iyo garoonka diyaaradaha Jowhar oo dhinaca waqooyi ka xiga degmadaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee wadajirka u galay degmada Jowhar ayaa muujinaya feejignaan dheeraad ah, iyagoo ka baqdin qaba in la wareero, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen xoogaggii -shabaab ee degmadaas ka talinayay.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay degmadaas ku galeen dagaal la’aan, waxayna guul weyn ku tilmaameen qabsashadeeda, inkastoo AMISOM aysan weli ka hadlin qabsashada degmada Jowhar.

Daafeet.Com