Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu laabtey

0
35

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtey magaalada Muqdisho kaddib socdaal afar maalmood qaatay oo uu ku tegay dalka Turkiga.

Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan waxay wafdiga madaxweynaha ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay gudaha garoonka diyaaradaha, madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in kulamadii ay la qaateen madaxda sare ee dowladda Turkiga ay ku dhammaadeen guul iyo is-afgarad, isagoo sheegay inay Soomaaliya iyo Turkiga weligood lahaayeen xiriir qoto dheer oo kal iyo laab ah.

Wuxuu shaaca ka qaaday inay dowladda Turkiga la saxiixdeen heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada milateriga iyo dhaqaalaha.

Dhinaca kale, madaxweynaha wuxuu cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen shan qof oo Soomaali ah, halka ku dhowaad toban kale ay ku dhaawacmeen.

Daafeet.Com