Maamulka Ahlusuna ee Gobolka Galgaduud oo mamnuucey in Hub lagu dhexsito Magalada gudaheeda

0
32

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa ka manuucay xarunta gobolkaas ee Dhuusomareeb in hub lagu dhex qaato iyo si macno-darro ah rasaas loogu dhex-rido, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa amarkaas.

Taliyaha Amniga ee degmada Dhuuso-mareeb, Farxaan Macallin Cali ayaa sheegay in Ahlusunna ay isku raacsan tahay inaan hub lagu dhexqaadan karin degmada, sidoo kalena aanay jiri karin in rasaas macno-darro ah laga maqlo gudaha degmada.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in qofkii hubkiisa lagala wareego inaan dib loogu celin doonin, isagoo sheegay in sidoo kale sharciga la marsiin doono qofkii rasaas ku dhex-rida degmada; basle taliyuhu ma sheegin ciqaabka uu mudan doono nooca ay tahay.

Ururka Ahlusunna ayaa dhanka kale sheegay inay aaseen lix barkadood oo ku yaalla inta u dhexeysa degmada Caabud-waaq iyo deegaanka Xanan-buurre, iyagoo xusay in aasidda barkadahaas ay dani ugu jirto dadka deegaanka oo dhowr jeer oo hore ku dagaalamay.

Taliyaha amniga ee Dhuusomareeb ayaa ugu dambeyn sheegay in dadka deegaanku ay isku waafaqeen aasidda barkadahaas, isagoo xusay inay jireen dad kasoo hor-jeestay; inkastoo ay markii dambe ogolaadeen.

Daafeet.Com