Ciyaar Adag oo Galabta ku Dhexmartay Magaalada Baydhabo Kooxaha FC-Berdaale iyo FC-Laba Dhegax (Sawirro)

0
79

Ciyaar xiiso badan oo kamid ah Ciyaaraha ka socda Magaalada Baydhabo Janaay ayaa galabta ka dhacay Garoonka Dr.Ayuub Stadium ee magaalada.

Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa isku arkay kooxaha kala ah FC-Berdaale iyo FC-Laba Dhegax, waxaana Daawashadeeda kasoo qaybgalay Boqolaal qof.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u adag ayaa waxay ku dhamaatay 0-0 waxaana markii dambe la dhigay Rigoore oo hadana ay is mari waayeen labada kooxood kuna dhaamatay markale Ziiro-Ziiro, waxaana lagu wadaa in markale lagu soo celiyo Ciyaartaan waa sida ay inoo Xaqiijiyeen Gudoomiyaha Guddiga Sportiga Gobolka Baay Xasan Zubeer Xaaji iyo Xoghayaha Sportiga Degmada Baydhabo Nuur Sheekh Ibraahim Delpiero.

Kala Soco Mar Walba Ciyaaraha ka Socda Magaalada Baydhabo Shabakadaha  Daafeet.com iyo Ishabaydhaba.com

Fillo Sawirro Intaan ka Badan.

Daafeet.com