Qarax lala beegsadey saldhiga cidanka Boliska degmada Marka

0
39

Qarax ayaa maanta lala beegsadey Saldhiga Ciidamada Dowlada ay ku leyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxani oo ahaa kuwa loo adeegsado bambaanooyinka gacanta ayaa la sheegey inuusan Sababin Qasaaro sidaa ah Marka laga reebo burbur uu u geestay Saldhiga Ciidamada Maamulkaasi uu ku leeyahay Dagmada Marka.

Gudoomiyaha Dagmada Marka Axmed Macalin Cabdiraxmaan Cukaash ayaa Sheegay inay ku daba jogaan Kooxihii Qaraxaasi ka dambeyey oo uu Sheegay Gudoomiyuhu inay Isaga baxsaden Goobta baaritaanana hada ay Socdaan.

Qaraxyadan ayaa ah kuwo mar walba ka dhacay degmada Marka tan iyo kolkii ey la wareegeen ciidamada dowlada gacan ku heynta magaalada.

 

Daafeet.Com