Ciidamada Amisom iyo kuwa Alshabab oo ku dagaalamey deegaano ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose

0
23

Dagaal u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalka dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Saliini oo ay ciidamada AMISOM biyo ka dhaasanayeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Al-shabaab iyo AMISOM ayaan labaduba ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka ku dhexmaray deegaanka Siliini, waxaase dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo dhowr jeer oo hore uga dhacay gobolkaas.

Daafeet.Com