Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya oo Kulan la Yeelatay Madaxda Dalka Kenya

0
33

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirrka arrimaha dibada ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya oo booqasho ku joogta magaalada Nariobi ee dalka Kenya ayaa kulamo halkaa kula yeelatay madax sare oo ka tirsan dalkaas.

Mas’uuliyiintii ay is arkeen wasiirrada ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisal wasaaraha dalka Kenya Rail Odinga iyo wasiirrka arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri oo labadaba ay kala hadaashay arrimo quseeya xiriirka labada dal.

Wasiirrka arrimaha dibada dalka Kenya Sam Ogeri oo kulanka kadib warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, isaga oo sheegay Soomaaliya waqtigan cagta saartay sida uu hadalka u dhigay wadadii dowladnimada.

Sidoo kale Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay warbaahinta waxaa ay sheegtay in kulanka dhaxmaray iyada iyo wasiirrka arrimaha dibada Kenya uu yahay mid najaxay oo siweyn leysugu afgartay waxyaabihii laga wada hadllay.

Waxaa ay uga mahad celiysay  dowladda Kenya howlgalka ay ciidamadooda ka wadaan Soomaaliya, taasoo muujineysa ayeey tiri xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Dhinaca kale, kulanka ay la yeelatay ra’iisal wasaaraha dalka Kenya ayaa la sheegay in uga wada hadlleen sidii ay dowladda Kenya ugu garab istaagi laheyd Soomaaliya ku biirista ururka Suuqa xorta ah ee Africa laakiin waxaa la sheegay in ay arintaa ka soo horjeedaan wadamo qaarada ka tirsan.

Daafeet.com