Dad Rayid ah oo Xalay lagu Dilay Magaalada Beledweyne

0
40

Rag hubeysan ayaa xalay ku toogtay magaalad Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan sadax ruux oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada, xili ay ku sii jeedeen hoygooda.

Ragga la dillay oo ayaa ka tirsanaa firqada Takfiirka laakiin mudo dheer ku noolaa magaalada siweynna looga garanayay waxaana lagu toogtay xalay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada.

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda gacan sababta loo dillay ragga ganacsatada ah, islamarkaana wadaan sida ay hadallka u dhigeen baritaan arintaa la xiriira.

Dilkan xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay bartamaha magaalada Baladweyne lagu toogtay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka oo maalin ka hor xilkaas loo dhiibay.

Daafeet.com