Wasiirkada Gaashaandhiga oo kulan la qaatey taliyeyaasha Amisom

0
35

Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Jimcihii shalay kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya, isagoo kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa howgallada dalka looga saarayo Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran.

Mudane Fiqi ayaa si gaar ah ula kulmay taliyaha guud ee AMISOM, Jen. Andrue Guthi iyo ku xigeenkiisa, Simon Kranja, isagoo ka dalbaday inay gacan ka geystaan dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo qalabeyntooda, si ay ula wareegaan gacan ku haynta ammaanka dalka oo dhan.

Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee kulanka la qaatay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaan iyagu ka hadlin kulankaan iyo qodobbadii looga hadlay, iyadoo ay horay taliyeyaasha AMISOM u sheegeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka Gaashaandhigga wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska iyo taageerrada ciidamada xoogga dalka.

Daafeet.Com