Guddiga loo saarey xalinta khilaafaadka Dhuxusha oo ey taageereen Amisom

0
61

AMISOM ayaa soo dhoweysey guddigii dhowaan loo magacaabey iney xal ka gaaraan dhuxusha taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika Col. Xumad ayaa sheegey inay taageersan yihiin guddiga ay dowladda Soomaaliya u xil saartey xal ka gaarista dhuxusha.

Arrinta ku saabsan dhuxusha ayaa khilaaf badan dhalisey kaddib markii ay dowladda mamnuucdey in la dhoofiyo iyadoo ay weli jirto cunaqabateyntii Qaramada Midoobe ay ku xayirtey dhoofinta dhuxusha taasi oo keentey nabaad guur ku yimaada deegaanka.

Daafeet.Com