Qarax maanta ka dhacay xafada Berdaale ee degmada Baydhaba

0
117

Afar qof oo is daba joog ah ayaa maanta ka dhacay xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, kaas oo lagu bar-tilmaameedsanayay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ee Baydhabo ayaa sheegay in qaraxa aanay waxba ku noqon askarta lala damacsanaa, waxaana dadka ku dhaawacmay ay ahaayeen afar dhallinyaro ah oo ka dukaameysanayay agagaarka goobta uu weerarka ka dhacay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ciidamada weerarka lala damacsanaa ayaa ahaa askar dhowaan tababar loo soo xiray, dhowaanna hub iyo darays ciidan loo qaybiyay si ay u sugaan ammaanka xaafadaha magaalada.

Daafeet.Com