Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridey askar ka tirsan cidanka dowlada

0
38

Maxkamadda ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ayaa afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku ridday xukunno kala duwan oo xabsi ah, kaddib markii lasoo qabtay iyagoo dhac ka geysanaya deegaanno gobolka Shabeellada hoose ka tirsan.

Mid ka mid ah guddoomiye ku xigeennada gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in askartan oo ahaa shan afar ka mid ah lagu helay dambiga, midkii kalena lagu waayay lana sii dayay, isagoo sheegay in askartan laba mid ah lagu xukumay xabsi daa’in.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa waxay gacanta ku hayaan degmooyinka Afgooye, Marko, Wanlaweyn  iyadoo la sheego in ciidamada dowladda Soomaaliya ay deegaannadaas dhac joogto ah u geystaan shacabka ku nool.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasoo khasaare ay kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ku dagaalamaan.

Daafeet.Com