Xaalada xaafada Islii oo ey somalidu degto oo maanta aad u kacsan

0
33

Rabshado ba’an oo u dhaxeeya dadka Soomaalida ah iyo dadka u dhashay dalka Kenya, ayaa saakay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kadib weerarkii shalay lagu qaaday bus xaafadaas marayay.

Guud ahaanba waxaa xiran goobihii ganacsiga xaafadda, waxaana la arkayaa dadka Soomaalida ah oo hadba dhinac u yaacaya wadada, kana foojigan carada dadka Kenyaanka ah.

Sidoo kale waxaa xalay maqribkii kooxo ka careysan qaraxii shalay ay weerar ku qaadeen masaajid ku yaal waaxda Sec1, halkaasoo ay dadweeynihii salaadda usoo aaday ku kala ceyriyeen, wallow markii danbe ay iska caabiyeen dadkii xaafadda deganaa

Waxaa jira ciidamo xoog leh oo halkaa la geeyay si ay nabad-galyada u sugaan, loogana hor tago in ay rabashaduhu sii balaartaan, dhibaataduna sii kororto.

Lama oga sida ay xaaladu isku badali karto saacadaha soo socda, iyadoo dhamaan goobaha ganacsiga xaafadda Islii albaada leysugu dhuftay.

Daafeet.Com