Taliyaha Cidanka Boliska oo ka codsadey wasiirka arimaha gudaha in la qalabeeyo Ciidanka Boliiska

0
43

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Shariif Sheekuna Maya ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dhisada dhanka qalabka iyo tayada ciidamada Booliiska.

Wuxuu sheegay in ciidamada baahida kala duwan ay u qabaan qalab iyo xirfado aan lasoo koobi karin balse muhiimada ay tahay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed la gacan qabto si ammaanka loo xaqiijiyo.

Dhawaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed waxaa loogu deeqay gaadiid kala duwan oo Booliiska ay ku howlgalayaan inkastoo Taliska Booliiska uu shaaca ka qaaday inay weli taagan tahay baahida ku aadan qalab la’aanta ciidamada Booliiska.

Si kastaba aarintu ha ahaatee wasirka ayaa ah wasiir cusub oo kol dhow xilka la wareegey arimahan uu ka codsadey Talayiyaha Ciidanka Boliska ayaa waxa ey u muuqataa in beryahan dhow aan wax laga qaban karin maadaama uu wasiirka cusub u baahan yahay in uu howsha si fiican faraha ula galo.

Daafeet.Com