Wakiilkii hore ee midowga africa iyo wakiilka cusub oo la kulmey masuliyinta ugu sareysa dalka somaliya

0
20

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ee xilkiisii dhamaadey, Boubacar Diara iyo wakiilka cusub ee xilkaasi la wareegaya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon iyo guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan.

Danjire Boubacar Diara ayaa kulanka ku tilmaamay mid isbarasho ah. Wuxuu sheegay in wakiilka cusub uu waaya-aragnimo weyn u leeyahay xiriirka caalamiga ah, isla markaana uu Soomaaliya gacan ka siin doono dedaalka nabadda iyo sidii dalka looga gudbin lahaa marxaladda adag ee dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka.

Raysul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ayaguna muujiyay sida ay u taageersan yihiin dedaalka ay AMISOM ugu jirto nabad iyo deggenaasho ka dhacda Soomaaliya, waxayna wakiilka cusub ee Midowga Afrika u ballan-qaadeen wada shaqeyn.

Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa horay u soo noqday wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad iyo sidoo kale wakiilka joogtada ee Midowga Afrika u fadhiyay xarunta Midowa Yurub ee Brussels.

Daafeet.Com.