Maamulka Ahlusuna ee gobolada dhexe oo sheegey iney alshabab ka sifeyn doonan deegaanka

0
50

Ururka Ahlusuna ee Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in dhawaan ay weerar ku qaadi doonaan deeganada Gobalada Dhexe ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Aadan Cabdulle Cawaale oo kamid ah saraakiisha Ahlusuna ayaa wuxuu sheegay in qorshaha Ahlusuna ee Shabaabka Gobalada Dhexe dalka Soomaaliya uu yahay mid ku qotoma in dhawaan ay ka saaraan Gobaladaasi Shabaab.

Wuxuu sheegay in gabagabada howlgalka Shabaab ay iminka joogaan sida uu sheegay todobaadyada soo socda ay Shabaab ka saari doonaan Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Sarkaalkani ka tirsan Ururka Ahlusuna ayaa sidoo kale shaaciyay in hadafka dagaalka ay kawada siman yihiin Dowladda Iyo Ahlusuna in lala dagaalamo Shabaab.

 

Daafeet.Com