Sacuudiga oo ka digtey in kuleyl badan jiri doono xiliga lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka

0
585

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii sheegtay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri, “Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina. ”

Waxa uu intaa ku daray in saadaashu ay tilmaamayso “uumiga huurka uu yahay 25%, halka aysan jirin heerarka roobabka la filayay.”

Sannadkii hore, in ka badan 2,000 oo qof ayay lasoo deristay daal kuleyl ah, sida ay ogaadeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaddib markii heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit).