Safiirka itoobiya oo loo qabtey inuu 72 saacadood gudahooda dalka uga boxo

0
77

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dabaqday go’aannadii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada ee ka dhanka ahaa Itoobiya.

Wasaaradda ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo fara-galin qaawan ku haysa dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca badda.

Go’aanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo daba socda qaraarkii maanta ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa lagu amray Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya inuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahooda.

Wasaaradda ayaa amartay tallaabooyin xasaasi ah oo lagu dabaqayo qaraarkii maanta, kuwaasi oo kala ah;

1- Safiirka dowladda gederaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here