Golaha wasiirada oo go,aan ku gaarey in mudo todobaad gudahooda lagu xero qunsuliyadaha itoobiyaanka ee ka furan Garoowe iyo Hargeysa

0
76

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la xiro isla markaana oggolaanshihii hawlgalka ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland).

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad gudahiis ah lagu xiro labadaasi qunsuliyadood.

Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Itoobiya inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladdu tilmaamtay in xadgudubyadaas ay ka hor imaanayaan madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay kaloo ku amartay Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Itoobiya uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furan labada magaalo, inay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here