Madaxweynaha dowlada federaalka oo maanta gaarey magalada garoowe

0
126

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Garowe, si uu uga qeyb galo xadladda caleemo saarka madaxweyne Deni oo maanta ka dhacaysa magaalada Garowe.

Madaxweynaha maamul goboleedka puntland ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe madaxweyne Xasan Sheikh, oo imaatinkiisa uu kusoo beegmay xilli Puntland iyo dowladda federaalka uu dhex ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan.

Kadib caleemo saarka, warar aanu helnay waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu dhigay gogol ay ku wada hadlayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, gogoshaas oo looga wada hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweyne Deni, ayaa markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in laga wada hadlo arrimaha masiiriga ah sida dhamesytirka dastuurka iyo federaalaynta.