Baarlamaanka labada gole oo ansixiyey sharciga wax ka bedelka dastuurka

0
118

Labada Gole ee baarlamaankam Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah meel mariyey habraaca wax ka beddelka Dastuurka.

180 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, waxaana diiday 30 xildhibaan, sida uu sheegay guddoonka golaha.

Buuq ayaa hareeyeeyay meel marinta habraaca wax ka beddela dastuurka, iyadoo xildhibaano dhowr ay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka inuu afduubtay golaha.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheeay, iyadoo aan laga doodin islamarkaasna uusan kooramku si fiican usoo buuxsamin in loo gacan taagay waxka ka beddelka habraaca dastuurka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in baarlamaanku fasaxay in wax laga beddelo dastuurka dalka, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay doonayso inuu dalku yeesho labo xisbi oo talada dalka ku loolama, sidoo kale in meesha laga saaro booska raysal wasaaraha, dalkuna uu yeesho madaxweyne ku xigeen.