Xoghayaha guud ee qaramada midoobey iyo madaxweynaha dowlada federaalka oo ka wada hadley heshiiska itoobiya iyo somaliland

0
252

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka dhegaystay walaaca heshiiska Is-fahamka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa xusay in Golaha Ammaanka uu dhowr jeer ku celceliyay in uu ixtiraamayo Madaxbanaanida dhuleed iyo Midnimada Soomaaliya.

Xoghayuhu wuxuu rajeeyay in dhammaan dhinacyadu ay galaan wadahadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan fal kasta oo xaaladda sii kordhin kara.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankooda war ay soo saareen ku sheegay, in madaxweyne Xasan Sheikh uu la wadaagay xoghayah Qaramada Midoobay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan dadka iyo dowladda Soomaaliya aqbalaynin in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.