Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo maanta ka qeyb galey bananbax ka dhacay magalada muqdisho

0
242

Masuuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala qeyb galay kumannaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Dibad-baxayaashu waxay socod ku mareen waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho, lagasoo bilaabo km4 ilaa Daljirka-dahsoon, iyadoo mas’uuliyiinta heer federaal iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka jeediyeen khudbado ka dhan ah heshiiskii Somaliland iyo dowladda Itoobiya

Qeybaha kala gedisan ee shacabka ayaa watay boorar ay ku muujinayeen in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Itoobiya in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

Khudbado kala duwan oo ay masuuliyiintu jeediyeen waxay si isku mid ah uga horyimaadeen heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Masuuliyiintu waxay sheegeen, Soomaaliya inay diyaar u tahay inay dhulkeeda iyo baddeeda ka difaacato damaca gurracan ee Itoobiya.