Banaanbax looga soo horjeedo heshiiska somaliland oo maanta ka dhacay magalada boorame

0
532

Bannaanbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo heshiiska badda ee dhawana dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayaa ka dhacay magaalada Boorama.

Bannaanbaxa oo saaka ka bilowday magaalada Boorama ayay dadwaynuhu kaga soo horjeedaan saldhiga ciidan ee ay dhawaan Itoobiya iyo Somaliland ku heshiiyeen in Itoobiya laga siiyo bada Somaliland.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadwaynaha ku dhaqan deegaanka xeebta ah ee Lughaya ee Somaliland ayaa sheegay in anay ogolayn heshiiska Itoobiya lagu siinayo saldhig badeed.

Qaar kamid ah dadwaynahan oo muuqaalo iska soo duubay iyaga oo sita qaar kamid ah hubka fududu, ayaa sheegay in anay aqbalayn in ciidamo Itoobiyaan ahi ay yimaadaan dhulkooda.