Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Hodan ee gobobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay illaa 450 qof, sida uu shaaciyay Taliska Qaybta Waliyow Cadde.
Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xasilinta Caasimada, kuwa Haramcad iyo Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalkanm wuxuuna sheegay in ujeedka u ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, daroogada iyo ciyaal weerada dhibaatada ku heysa shacabka.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in lasoo aruuriyay dad gaaraya illaa 450 ruux, isla-markaana laga soo dhex qabtay saddex qof oo uu sheegay inay ka shakiyeen, kuna haayaan baaris.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga ee haatan ka socda magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.
