Hay’adda samafalka Hormuud Salaam Foundation oo hal milyan ugu deeqdey dadka ay soo gaareen fatahaada

0
335

Hay’adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa š‡ššš„ šŒš¢š„š²ššš§ šØšØ ššØšØš„š„ššš« ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Waa gargaarkii ugu ballaarnaa ee ay bixiso hay’ad waddani ah. Iyadoo horey Hormuud Salaam Foundation ay gacanta uga geysteen abaarihii ugu dambeeyay ee dalka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay inay salaam Bank iyo Hormuud dhibaatada la qeyb sanayaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay si degdeg ah lacagtaas u gaarsiin doonaan dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, isagoo sheegay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas.