Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay.
Howlgalka lagu dilay horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Caddoow Jilib gaab oo Al-shabaab u qaablisanaa baada shacabka ku nool gobalada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Mooda moode iyo Daynuunaay ee gobolka Baay.
Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Nuur Dhegeey ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in holwgalka ay ku dileen Horjooghaan oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi si weyn u dhibaateyn jiray shacabka deegaanada Baay, Bakool iyo Gedo.
Taliye Axmed Nuur Dhageey ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada qorsheyaan ee noocaan oo kale ah ay sii wadayaan ciidamada inta Al-shabaab ay ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Baay iyo Bakool.
