Dabley hubaysan ayaa saakay salaaddii subax kadib magaalada Boosaaso ku dilay Ibraahim C/raxmaan Cabdi, oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed.
Ibraahim oo ahaa madax u ahaa bulshada kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolka Bari, ayaa la dilay waxyar kadib markii uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadda subax.
Lama oga cidda ka dambeysa dilkiisa. Maalmo ka hor ayaa sidoo kale Boosaaso lagu dilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa nin dhallinyaro ah oo isku xire u ahaa bulshada kasoo jeeda degaanada Soomaali Galbeed.
Hay’adaha amniga ee Puntland weli wax faahfaahin ah kama bixin dilalka ka dhacaya magaalada Boosaaso.
