Faah faahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta deegaanka degaanka goof-gaduud Buureey ee Gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la shegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhigga Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka goof-gaduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari, waxaana saraakiil katirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegeen inay Al-Shabaab khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka goof-gaduud Buureey ee Goolka Baay ayaa sheegaya in xaaladda degaanka ay tahay mid degan, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
