Xildhibaanadda labada Gole ee kasoo jeeda Beelweynta Xawaadle ayaa kulan albaabada u xirnaa la qaatay Shalay galinkii dambe madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Beesha Xawaadle ayaa ahaa mid labada dhinac ay ku gorfeyeen xal u helista tabashooyinka ay beesha Xawaadle ay ka qabto siyaasad ahaan dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle iyo xaalada dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Xubnaha sadaxda ah ee Xildhibaanada Beesha Xawaadle u xilsaarteen arrimahaas ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Sambaloolshe.
Waxaa sidoo waxyaabaha kulanka looga hadlay ka mid ahaa in dowladda Fedaraalka ay gobolka Hiiraan, gaar ahaan Baledweyne ka hirgelin doonto Isbitaal weyn oo si gaar ah loogu daaweyn doono ciidamada Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ee dagaalada kula jira Ururka Al-shabaab.
