Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha jaamacadda Carabta ayaa waxay ka digeen biyo xireenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo webiga Niil.
Bayaan ay soo saareen wasiiradan, kuwaas oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira, ayaa waxay ku sheegeen, in biyo xireenka Ethiopia uu khatar weyn ku yahay ku-tiirsanaanta Masar ee biyaha webiga Niil
Wasiirada Arrimaha Dibadda waxay muujiyeen sida ay jaamacadda Carabta diyaarka ugu tahay inay difaacdo danaha Carabta ah, iyadoo dejisay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka, isbeddelka cimilada, iyo arrimaha dakalka Carabta.
Jaamacadda Carabtu waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto inay la xiriirto dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.
