Isimada ssc oo go,aano cusub kasoo saarey dagaalka ka socda magalada laascaanood

0
557

Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo sheegay in xilligaan uu wada-hadal suurtagal aheyn in lala galo xukuumadda Somaliland.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimida SSC ayaa waxa uu soo jeediyay in ciidamada Somaliland la geeyo Oog, si ay wax uun uga dhaqaaqan dadaallada nabadeed ee ay wado Itoobiya, oo uu sheegay in Isimidadooda ay soo dhaweynayaan.

Garaadka ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xabad joojin dhab ah, islamarkaana ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse aan wada-hadal iyo xabad joojin rasmi ah dhaqan-geli karin illaa inta ciidamada Somaliland laga saarayo gobolka.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in xilligaan ay suurta-gal aheyn in ciidamada deegaanka SSC iyo kuwa kale ee ku sugan Laascaanood ay ka baxaan gobolka, ayada oo ciidamada Somaliland ay weli joogaan gobolka.