Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa nooca lagu dhajiyo gaadiidka, waxayna dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen inuu qarxay gaari nooca raaxada ah oo qaraxa ku xirna, kaasi oo yaaley wadada Via-Roma ee degmada Xamarweyne.
Waxaa la sheegay in xiliga gaariga uu qarxaayay uu ka maqnaa darawalka watay gaariga, waxaana qaraxaasi dhaawac uu kasoo gaaray qof haweeney ah oo saarneyd Mooto Bajaaj wadada mareysay.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano aan la shaacin natiijadooda.
