Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in shaqo joojin lagu sameeyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya HDRS, kadib markii lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Warqad sumadeedu tahay XFR/0115 oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda 5-tii bishaan Maarso 2023-ka ayaa lagu shaaciyay in Raysal Wasaare Xamse uu shaqada ka joojiyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed, kadib wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la sheegay iney cuuryaamin karto adeega Caalamiga ah iyo kan Wadaniga oo ay u xilsaaran tahay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.


