Maamulka puntland oo xukun dil toogasho ku fulisey dhowr shaqso oo ka tirsanaan jirey alshabab

0
441

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Xukumanayaal ka tirsanaa Ururada Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo tiradoodu gaareysay isku geyn 13 nin.

Fulinta toogashada ayaa ka kala dhacdey magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Bossaaso ee degaannada Puntland.

Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga geystey xaafada Wadajir ee dhinaca Galmudug.

Bossaaso waxaa lagu dilay mid kamid ah Shabakadihi dadka Reer Bossaaso madaxa u duuban jirey ee marar kala duwanaa ka tirsanaa Daacish iyo Alshabaab oo tiradoodu gaareysay 6 nin.