Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Ururka Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku xiray shuruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudahaas oo uusan madaxweynuhu ku sheegin wareysiga uu bixiyay.
Xasan Sheikh waxa uu xusay in dadka u dagaalama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyay in Alshabaab aan looga adkaan karin cudud ciidan oo keliya. Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hab militari, hab diimeed, iyo tallaabooyin dhaqaale.
