Reysulwasaare Xamsa oo sheegey in dib u habeyn lagu sameyn doonto lacagta shiling somaliga

0
327

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Soomaaliga.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa lacagta Shillin Soomaaliga oo kasii baxday suuqyada dalka, kadib markii ay aad u duugowday islamarkaana meelo badan oo dalka ah laga diiday in wax lagu kala iibsado.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda ee soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo uu guddigu sheegay inay wax badan ka beddeli doonto dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu wax wayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada dadka Soomaaliyeed.