Wasaarada kaluumeysiga xukuumada federaalka oo digniin u dirtey maraakiibta ka kaluumeysata xeebaha dalka

0
294

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ka soo saartay maraakiibta sida sharci darrida ah uga kalluumeysta Badda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Kallumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ay caddaynayso in muddooyinkii la soo dhaafay ay urrurinaysay xogo ku saabsan maraakiib kalluumeysi oo laga leeyahay wadamo shisheeye ay xadgudub kalluumeysi ku hayeen Biyaha badaha Soomaaliya. Maraakibtaas oo ilaa bishii janaayo ku jiray biyaha dalka iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumeysanayey biyaha Soomaaliya.

Sid ku cad, qodobbada 11aad, 12aad, 13aad ee Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya, Bixinta ruqsadaha kalluumeysiga maraakiiibta qalaaad waa awood dastuuri ah oo heer Federal ah, waxana bixin kara oo kaliya Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federalka. Wasaaraddu waxay leedahay habraacyo iyo xeerar qeexaya shuruudaha, heshiiyada iyo hanaanka sharciga ah ee bixinta ruqsadaha kalluumeysiga qalaad.

Waxaan sidoo kale caddeynaynaa in aanay sharci ahayn waxa loogu yeero endorsement letter laguna xalaaleysan karin in biyaha badaha dalkeena looga kalluumeysto. Waxaan u sheegeynaa dhammaan dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka isla markaana ay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada uga qaateen dalka hadii kale waxaan la la tiigsan doonaa sharciga.