Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa Isimida SSC ee muddooyinkii dambe ku sugna magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Iyaga oo wada arrimaha ku aadan nabadeynta iyo wada xoojoodka ayaa Isimida waxey kulan xasaasi ah la yeesheen madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi, kaasi oo looga wada-hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.
Magaalada Garoowe oo kulankan uu ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii uu saameeyay dagaalka socda, oo ay labada dhinac ku sheegeen inuu yahay xasuuq ba’an oo Somaliland ka wado halkaasi.
Axmed Karaash madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qoraal kooban kasoo saaray kulankan ayaa waxa uu yiri “Waxaan kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC oo aan ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.”
