Xaalada magalada baydhaba oo maanta degan

0
327

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare weyn geystay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo saxaafadda la hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, sidoo kalena ay baarayaan sababtii ka dambeysay shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo ee sababtay dhimashada in ka badan 10 qof.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu yeeray cid kasta oo tabasho qabta ay timaado miiska shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo horraanta bisha koowaad ee sannadka cusub ka furmayo Baydhabo.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka kasoo yeerey cabdicasiis lafta gareen ayaad modaa in uu iska beri yeelayo wixiii shaley ka dhacay magalada baydhaba taasoo ay geysteen dad asaga si aad ah ugu dhow.