Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Koonfur Galbeed gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartaan siyaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, ayaga oo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro doodda taagan.
Sidoo kale Sheekh Shariif, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdrashiid iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay qaadato doorkeeda ku aadan xaaladda K/Galbeed.
