Xiisad ka taagan magalada baydhaba

0
519

Xiisad aad u weyn ayaa beryahan waxaa ay ka taagan tahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay taasoo u dhexeysa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidama la magac baxay bad baadada Koonfur Galbeed.

Xiisadaan ayaa salka ku haysa mudda xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed ( laftaagreen) oo ay ka idlaatay 4-tii sano ee ay xildhibaanada maamulka koonfur galbeed doorteen.

Cabdicasiis ayaa waxaa uu ku doodayaa in mudo xileedkiisa ay xildhibaanada maamulka koonfur galbeed u kordhiyeen mudo hal sano ah si la isku waafajiyo mudo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa cabdicasiis ku cadaadinaya in uu xilka isaga dego maadaama ay afartii sano ee loo idmadey ay dhamaatey isla markaasina aysan aqbali doonin wax mudo kororsi ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee isjiidiidka siyaasadeed ee maamulka koonfur galbeed ayaa ah mid soo noqnoqta afar sano oo kasta kolka la gaaro xiliyadan oo kale taasoo hadba kooxda xillka laga ceyrsado ay ku mucaaradaan maamulka.