Nin la shaqeyn jirey gudoomiyihii hore ee baarlamaanka oo isku dhiibey alshabab

0
524

Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaamn ayaa la xaqiijiyay inuu u goostay Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan, waxaana jiritaankeeda sii xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyihii hore ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uu ahaa shaqaale ka tirsan Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in markii hore uu ka soo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga, markii uu wasiirka ka ahaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan ee ku dhalisay inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan.