Wasaarada amniga ee maamulka koonfur galbeed oo Amar kusoo rogtey magalada baydhaba

0
495

Wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar la xiriira in hub si sharci darro ah loogu dhex qaato Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga Maamulka Koonur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo laga duulayo nabadgelyada iyo xasiloonida Shacabka kunool Magaalada Baydhabo in Wasaaraddu amar buuxo ku siineyso Hay’adaha Amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan qof walba oo ka tallaabsada awaamiirta soo socota.