Ciidamada dowlada oo la wareegey gacan ku heynta deegaano ka tirsan gobolka bay

0
718

CIidamada xoogga dalka Soomaaliyed Gaar ahaan Taliska Guutada 8aad Qeybta 60aad ayaa la wareegay Gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moodo oo katirsan Gobalka Baay.

Howlgal ay Ciidamada saaka Waaberigii hore fuliyeen ayay u suurto gashay inay sinabad ah Ciidamada kula wareegaan degaannada Deeynuunaay iyo Mooda moodo kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalks qeybta 60aad ayaa sheegay inay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga labada degaanka, isla markaana ay gudaha degaannada ka wadaan howlgallo miino baaris ah.