Qaramada midoobey oo ka digtey dhibaatooyinka ay keeni kartaan abaaraha ka jira dalka somaliya

0
632

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO ayaa ka digtay ilaa 6.7 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool inay u badan tahay inay la ildaran yihiin gaajo daran sannadkan, oo ay ku jiraan in ka badan 300,000 oo la saadaaliyay inay wajahayaan macaluul.

Hay’adda FAO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka khatarta ugu jira macaluusha ay yihiin dadka reer miyiga ah ee ku nool degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba iyo sidoo kale dad barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya.

Wakiilka FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt ayaa sheegay in nafaqo-xumada iyo heerka dhimashada ee gobolkaas ay mar horeba gaareen heerar laga naxo.

Dhinaca kale Afhayeenka Hay’adda UNICEF James Elder ayaa xusay in xilligii macluusha ee sanadkii 2011 ay 340,000 oo carruur ah oo ka yar da’da shan sano ay u baahdeen in laga daweeyo nafaqo-xumo ba’an. Maanta ayuu sheegay in tiradaasi ay gaartay 513,000 oo caruur ah kuwaas oo halis ugu jira geeri.