
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay si rasmi ah xilka ugala wareegay gudddoomiyihii hore Cumar Filish ayaa ballan-qaad culus u sameeyey shacabka Muqdisho.
Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka iyo sidoo kale kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haya reer Muqdisho, isaga oo shaaca ka qaaday inuu kaashan doono hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka hortegi doonaan weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mas’uuliyadda loo igmaday uu ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
